Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay labo qarax oo mid ka mid ah galaaftay nolosha sarkaal ka tirsanaa ciidamada milateriga Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Danab.
Sarkaalkaan ayaa gaarigiisa qarax loogu xiray wuxuuna gaariga qarxay xili uu ku sugnaa ex-koontorool Afgooye, haalkisana uu ku geeriyooday.
Qaraxii kan ka horeeyay ayaa saakaydii hore waxaa lala beegsaday kolonie ciidamada AMISOM ka tirsan oo mararayay jidka warshadaha, inkastoo khasaaraha si rasmi ah loo ogeyn.
Qaraxyadaan ayaa kusoo beegmaya xili ciidamada xasilinta amaanka Muqdisho ay xoojiyeen howlgaladooda, inkastoo aysan jirin wax isbadal ah oo dhinaca weerarada Al-Shabaab ka geysanayaan Muqdisho.