Waxaa magaalada Muqdisho Galabta Shan Daqiiqo gudahood ka dhacay Saddex qarax oo aad u culus ayaa laga maqlay magaalada Muqdisho gaar ahaan ina u dhexeeysa Wadada Km4 iyo Km5.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Qaraxyada ay ka dheceen Meel u dhow Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale la maqlayaa rasaas xooggan oo dheceysa markuu qaraxa dhacay kadib.
Qaraxa 3-aad ayaa ka dhacay Xarunta CID-da ee udhow Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in rasaasta dhaceysa laga yaabo inay tahay in koox hubeysan ay gudaha u galeen Hotelka Saxafi.
FAAHFAAHIN & SAWIRRO: Qaraxyo is-daba joog ah oo lagu weeraray Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho