Monday, July 14, 2025

Qaraxyo ka dhacay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyo Qasaare ka dhashay

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya inay qaraxyo ka dhaceen degmada Ceelwaaq, iyadoo la beegsaday Maqaayad ku dhow Saldhigga Booliska degmada.

Laba qarax oo is xigay ayaa la soo weriyey inay ka dhaceen maqaayadda oo ay fariisan jiraan ciidamada dowladda, waxaana wararku sheegayaan in in qaraxyada ay ka dhasheen qasaare culus.

Wararkii ugu horeeyay ayaa ku warramaya in lix qof ay dhaawacyo culus ka soo gaareen qaraxyada oo qaarkood ay halis yihiin, iyadoo qaraxyada lagu sheegay inay ahaayeen miinooyin la geliyay maqaayadda.

Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxa ayaa sheegay in qof ku dhintay, iyadoo dhaawac culus kasoo gaaray  saddex kale, waxaan sidaasi saxaafadda u xaqiijiyey guddoomiyaha degamada Ceelwaaq.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON