Friday, July 4, 2025

Qaraxyo ka dhacay Garoon Kubadda Cagta oo ku yaala magaalada Istanbuul ee Turkiga

20 Boolis ah ayaa la soo weriyay inay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay meel u dhow Garoonka Kubadda Cagta oo ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa xaqiijiyay qaraxyada iyo qasaaraha ka dhashay, wuxuuna wasiirka Suleyman Soylu sheegay in gaariga qaraxa geystay lagu bartilmaameedsaday ciidamada Booliska.

Dab ayaa qabsaday meel u dhow garoonka degaanka Bestikas ee ay ka dhisan tahay kooxda Bestikas ee caanka ah. Qaraxyada ayaa dhacay laba saacadood kadib markii ay dhammaatay ciyaar u dhex martay kooxaha Besiktas iyo Bursaspor oo ka mida kooxaha heerka koowaad ee Turkiga.

Wararka qaar ayaa sheegay inay jirto dhimasho, waxaana la sheegay in qaraxyada ay ahaayeen laba qarax oo lala beegsaday ciidamada amaanka ee degaankaasi ku sugnaa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON