Qarixii labaad oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho [Sawirro & Faahfaahin]

0

Qarixii labaad ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan  agaagaarka Hotel Naasa-hablood II iyo Taaladda Daljirka Dahsoon.

Qaraxan ayaa ka dhacay Baar lagu magacaabo Banooda oo saraakiil iyo ciidamo ay caadiyan ka cunteyaan, waxaana isla markii goobta gaaray ciidamada dowladda iyo kooxda dab damiska

Laba qof ayaa la soo weriyay inay ku dhaawacmeen, wuxuuna qaraxa ka dhashay gaari la dhigay wadadda dhinaceeda oo qarxay xilli ay dad aan badneyn wadadda marayeen.

Xaalada ayaa kacsaneyd iyadoo qaraxani yahay kii labaad ee maanta ka dhaca magaalada, kadib qarax kale oo saaka ka dhacay xaafadda Sey biyaano ee degmada Hodon.