Qarax aad u weyn oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.
Qaraxan ayaa geystay qasaare ballaaran, waxaana wararkii ugu horeeyay ay sheegayaan inay ku dhinteen 80 qof, kuna dhaawacmeen 350 kale.
Qaraxa ayaa lala beegsaday qeybta Diblomaasiyiinta iyo safaaraha shisheeye degan yihiin ee magaalada oo ku dhow safaaradda Jarmalka ee magaalada Kabul, halka loo yaqaan Zanbaq Square waxaana dadka ku waxyeeloobay ay u badan yihiin rayid.
Waxaa jidka daadsan meydad iyo dhaawac, waxaana goobta ay noqotay mid gebi ahaan burbursan iyadoo qaruxu ahaa kii ugu xoogga badnaa ee sanadahan ka dhaca magaalada Kabul.
Qasaaraha ayaa laga yaabaa inuu sii kordho, waxaana magaalada ay ku jirtaa xaalad kacsan oo dad fara badan ay raadinayaan ehelkooda. Qaraxa ayaa lagu soo beegay xilli ay magaalada ugu mashquulka badan tahay.