Monday, June 23, 2025

Qasaaraha Qarixii is-miidaaminta Muqdisho oo sii kordhay iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Waxaa sii kordhay qasaaraha qarixii is-miidaaminta ee ka dhacay xerada ciidamada Jeneraal Dhega-badan, iyadoo dhaawacyo badan la geeyay isbitaallada Muqdisho.

Ugu yaraan 21 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen qaraxa, halka 50 kale ay ku dhaawaceen; sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka; qaraxa ayaa ahaa Ismiidaamin lala beegsaday iridda hore ee xerada tababarka militariga ee General Dhagabadan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socotay qorista ciidan cusub.

Agaasimaha Isbitaalka Medina ayaa sheegay in isbitaalka la geeyay 45 qof oo dhaawac ah, iyadoo qof ka mida uu geeriyooday, waxaana la jiifiyey 38 ka mida, halka la daweeyay oo la fasaxay 6 dhaawac ahaa.

Ad

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa dhammaantood ahaa dhallinyaro doonayay inay ka mid noqdan ciidanka Soomaaliya; gaar ahaan ciidankada Gorgor oo ururkii 9aad la qorayay inay ka mid noqdeen ciidamada dowladda.

Taliyaha ciidmaada Xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf ayaa sheegay inay qaraxa ku dhinteen 10 dhalinyaro ah, ayna ku dhaawacmeen 20 kale, halka Alshabaab ay sheegtay inay qaraxa ku dishay 40, 50 kalena ku dhaawacday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON