Tuesday, June 24, 2025

FAAHFAAHIN: Qasaare culus oo Ciidamada dowladda kasoo gaaray dagaalkii Ruunirgood [DHAGEYSO]

Qasaarihii ugu weynaa ayaa ciidamada milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo gaaray weerar rogaal celis ah ku soo qaadeen kooxda Alshabaab.

In ka badan 30 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay kadib markii al-Shabaab ay weerar culus ay dib ugu qabsadeen degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo ciidamada dowladdu ay shalay qabsadeen.

Al-Shabaab ayaa dhinaceeda sheegatay inay 32 askari ku dileen dagaalka. Jen. Maxamed Maxamuud Saney oo ah taliye ciidamada Soomaaliya la weeraray  ayaa sheegay in 8 askari laga dilay, halka ay al-Shabaab ka dileen 12.

Askarta qaarkood ayaa la sheegay in lagu gowracay degmada Ruunirgood, iyadoo qaar kale weli la la’ yahay waxaana magaalada Muqdisho laga dareemayaa murugo qoysaskii ay askartaasi ka dhinteen.

Taliye Saney ayaa sheegay in ciidamadu  qabsadeen degmada Runirgood, iyagoon wax taageerro ah ka helin ciidamada AMISOM. Isagoo eedeeyay inay wax gurmad ah ka helin AMISOM.

Taliyaha oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo abaanduullaha ciidamada Somalia ay mas’uul ka yihiin guuldarada soo gaartay ciidamada Soomaaliya, sababtuna ay tahay wadashaqeyn la’aan iyo isfamah la’aan yar oo ka dhexjira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Taliyaha ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan ciIdamada dowladda lagu dhaawacay dagaalka, ilaa imika la la’yahay ninkaas oo lagu magacaabo Saney Cabdulle oo la la’ yahay isagoo lagu sheegay inuu dhaawac ahaa.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA TALIYAHA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON