Diyaaradda heerka caalamig ee Qatar Airways ayaa duulimaadkeedii ugu horeysay maanta ka bilowday garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Duulimaadkii ugu horeeyay ayaa maanta xaflad loogu sameeyay garoonka Muqdisho, waxayna diayaaradda ka timid Doha iyadoo soo martay Jabuuti, iyadoo siday 115 qof oo rabaak ah, waxayna toddobaadkiiba 3 jeer imaan doontaa magaalada Muqdisho, taasoo laga yaabo in mustaqbalka la kordhiyo.
Qatar Airways ayaa noqoneysa diyaaradii saddexaad ee heer caalami ah oo duulimaad toos ah ka bilowda Muqdisho, waxaana ka horeeyay Turkish Airways iyo Ethiopian Airlines, waxaana dhowaan Shirkadda Qatar Airways loo aqoonsaday tan ugu wanaagsan caalamka.




