Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo socdaal ku jooga magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa maanta barqanimadii kulan la yeeshay Ra’iisal wasaaraha dalka Qatar Sheekh Cabdalla Ibn Nasir Ibn Khaliifa Ala Thani.
Kulanka oo rasmi ahaan uga dhacay Qasrsiga Amiirka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, waxay kaloo labada dhinac ka wadahadleen arrimaha u gaara oo quseeya xiriirka labada dal, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa xubno isugu jira wasiiro mas’uuliyiin ka kala socday labada dal.
Sida ay qortay Wakaalada wararka Qatar waxay labada ra’iisal wasaarayaasha Qatar iyo Soomaaliya ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa war-murtiyeed heshiis is-afgarad ah oo labada dal ay ku heshiiyeen arrimaha soo socda:
1. Iskaashi arrimaha waxbarashada tacliinta sare iyo baaritaanada cilmiga.
2. Heshiis dhinaca duulimaadyada oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.
Ra’iisal wasaaraha Qatar ahna wasiirka arimaha gudaha dalkaasi ayaa qado sharaf u sameeyay wafdiga Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya. Heshiisyada labada dowladood kala saxiixdeen ayaan wax faahfaahin ah laga bixin iyadoo shalay uun ay ahayd markii uu Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid tegay dalka Qatar.
Dowladda Qatar oo dano waaweyn ka leh Soomaaliya ayaa si degdeg u qabanqaabisay safarka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, waxayna wararku sheegayaan in shirkadda Qatar Airways la doonayo inay duulimaad ka bilowdo Muqdisho, taasoo loolan ganacsi gelin karta Shirkadda Turkish Airline ee hadda ah tan kaliya ee caalami ah oo ka shaqeysa Muqdisho.
Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in Sheekh Xasan Daahir Aweys dhowaan la geeyo dalka Qatar isagoo qeyb ka ah heshiis arrintiisa ay kula wareegeyso dowladda Qatar oo Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka wada shaqeynayaan.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]