Wednesday, June 25, 2025

Qeybta Is-Maamulka Soomaalida Itoobiya ka helayaan Shidaalka laga soo saaray dhulkooda oo la shaaciyey

Iyadoo dhowaan si rasmi ah loo daah furay shidaalka laga helay Gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa la shaaciyey qeybta ay ka helayaan Is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlayay magaalada Qabri Dahare ayaa sheegay in muddo boqol sano kadib oo laga sheekeyn jiray keydka shidaalka ee dhulka Soomaalida ay xaqiiqo noqotay oo maanta uu bannaanka yaallo.

Wuxuu sheegay inuu jiro sharci federaalka Itoobiya u yaalla oo dhigaya in shidaal ama kheyraad kale haddii uu kasoo baxo degaankaasi uu leeyahay 40% (Markii shan loo qeybiyo laba meel), federaalkuna wuxuu leeyahay 60% (marka shan loo qeybiyo saddex meel), iyadoo ay jirto qeybta federaalka in dowlad degaanku wax ka soo gaarayaan.

Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa hore looga helay keydad shidaal iyo Gaas ah iyado soo saaristiisa ay dhowaan uun bilaabatay, iyadoo dood ka jirto sida Itoobiya u qeybsan karto kheyraadka dhulka Soomaalida laga helay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON