Qeylo dhaan xoog leh ayaa kasoo yeertay markabka USS Theodore Roosevelt oo ah Markab weyn oo diyaaradaha xambaara, hubka Niyukliyeerka ahna ku dagaalama; kadib markii uu ka dhex dilaacay cudurka Coronavirus.
Markabka oo ka mida kuwa ugu waaweyn ee dagaalka oo Mareykanku leeyahay ayaa waxaa saaran 4,000 oo ciidamo iyo shaqaala isugu jira, waxaana baaq degdeg ah diray taliyaha Markanka isagoo dalbaday in lala soo gaaro caawin, si loola tacaalo inuu markabka oo dhan ku faafo cudurka.
Markabka USS Theodore Roosevelt ayaa hadda ku sugan xeebta jasiirada Guam, waxaana jasiiradaasi ku yar adeegga caafimaad iyadoo aan heysan qalab ku filan iyo isbitaallo casri ah oo ay wax uga qaban karto xaaladan oo kale.
26-kii Maarso ayaa 8 askari oo saaran markabka laga helay cudurka Coronavirus, waxaana markabka laga qaaday shan kamida, waxayna tirada cudurka sida ay gaartay 50 saacadihii ugu danbeeyay, laakiin iyadoo xaaladda ay ku shaqeeyaan ciidamada Badda ay adag tahay ayaa laga cabsi qabaa in 4000 qof oo saaran markabka uu ku faato haddii aan helin adeeg caafimaad oo degdeg ah.
Qoraal uu taliyaha Markabka Brett Crozier u qoray wasaarada difaaca Mareykanka oo saxaafadu heshay ayuu ku sheegay inaan loo baaheyn iyadoo aan dagaal lagu jirin inay dhintaan ciidamada saaran markabka oo aanay suuragal ahayn in markabka dhexdiisa lagu karaantiio.