Sunday, January 29, 2023

Qisada Leyla Cabdi: Xog laga helay Ardayad isku daldashay Magaalada Hargeysa

Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday Magaalada Hargeysa, kadib markii ay is-dishay gabar dhalinyaro ah, kadib markii loo dheegay inay ku dhacday imtixaanka Dugsiyada Sare ee Somaliland.

Gabadha falkan ku kacday ayaa lagu magacaabi jiray Leyla Cabdi Maxamed ayaa u dhimatay markii ay is daldashay, waxayna ku nooleyd xaafada Maxamed Mooge, iyadoo arrintan loo aaneynayo inay qaadan weyday natiijada imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland oo shalay lagu dhawaaqay.

Waalidkeed, ardayda ay isku fasalka ahaayeen iyo dadka jaarka la ahaa qoyska Gabadha is-dishay ayaa qiray inay ahayd ardayad edeb badan oo aad ugu fiicneyd waxbarashada, taasina ay lama filaan ku noqotay inay imtixaamka ku dhacdo.

Ad

Waxa la sheegay in gabadha is dishay ay ka soo jeeday qoys danyar ah, waxaana soo korisay oo soo gacan qabatay hooyadeed oo u shaqayn jirtay qoys kooda, inta badan ka maqneyd Guriga.

Aabaha dhalay gabadha Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay marxuumad Leyla ku fiicneyd waxbarashada. “Anigaa dhalay oo waxaa la yiraahdaa Layla Cabdi Maxamed, inan yar oo aad waxbarashada ugu wanaagsana ayay ahayd oo dadaaleysay’ ayuu yiri, isagoo sii raaciyey in Goobta ay isku daldashay Guriga hooyadeed, laakiin ay ahayd inan uu Jin ku jiro oo aan dariif ahayn.

Aabaha dhalay gabadha ayaa sheegay inaysan isu dilin natiijada imtixaanka ay ku dhacday, marka falkaasi ay ku kacdayna uu dhacay iyadoo aan helin natiijada, isaguna uu samir iyo iimaan ka qaatay.

- Advertisement -

Ardaydii ay wax wada baranayeen Layla Cabdi ayaa sheegay inay ahayd gabar ku wanaagsan waxbarashada, isla-markaana ay u qaadan weyday imtixaanka la sheegay inay ku dhacday.

Arrintan ayaa si weyn loo hadal hayaa magaalada Hargeysa iyo baraha bulshada, waxaana ka dhashay su’aalo ku saabsan qaabka loo saxo Imtixaanaadka Somaliland iyo haddii ay wax khalad ah ay ka jiraan.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee nooceeda ah ee laga diiwaangeliyo degaanada Somaliland iyo Soomaalida kale in qof isku dilo saameyn ay ku yeelatay natiijada Imtixaan uu galay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,970FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,970FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!