Monday, July 14, 2025

Q/Midoobay oo ka deyrisay xaaladda ammaanka Puntland & Alshabaab oo sheegatay dilkii Xil. Saciid

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaalad nabadgelyo darro oo ka jirta degaanada maamul goboleedka Puntland kadib qaraxii ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi oo shaqaale ka tirsan UN-ka lagu laayay weerarkaasi.

Madaxa isku xirka howlaha gargaarka Soomaaliya  Philippe Lazzarini ayaa New York ka sheegay in Puntland ay u baqooleen dagaalyahanada ALshabaab ee culeyska kasoo wajahay Koonfurta Soomaaliya, wuxuuna intaas raaciyay in Qaramada Midoobay ay ula dhaqmi doono degaanada Puntland hadba xaaladda ku soo kororta oo ay qiimeyn doonaan.

Philippe-Lazzarini

Mas’uulka Q/Midoobay ka tirsan wuxuu xaalada Soomaaliya ku sifeeyay mid ka mida kuwa adduunka ugu liita ee xaalad degdeg ahi ka jirto, iyadoo colaado joogto ah, weeraro iyo baahi weyn ka jirto dalkaasi. wuxuuna intaas ku daray in 740,000 ruux aanay heysan quud ku filan oo u baahan yihiin gargaar, halka 200,000 caruur ah ay heyso nafaqo darro ba’an.

Dhinaca kale warbaahinta taabacsan  Al-shabaab ayaa sheegtay in dilkii Xildhibaan Saciid Dirir oo ka tirsanaa Golaha wakiilada  Puntland ay ka danbeeyaan  Al-shabaab. Xildhibaanka ayaa xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Kooxda Al-shabaab ayaa digniin u diray mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Puntland, iyadoo ugu goodisay in meel waliba  ay ku ugaarsan doonaan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”][ad name=”HTML-6″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON