Wednesday, July 9, 2025

Q/Midoobay oo mashaariic ka fulineysa Galmudug (Kulankii C/kariin Guuleed & Mr. Kay)

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuled oo  dhowaanahan ku suganaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta la kulmay Wakiilka Q/Midoobay u qaabilsan SoomaaliyaNicholas Kay, waxaana la sheegay in wadahadalkoodu ku saabsanaa sidii Q/Midoobay maamulka cusub ee Galmuduga uga taageeri lahayd dhinacyada kala duwan ee maamulka iyo horumarinta.

Kay-karin

Nicholad Kay ayaa la sheegay inuu maamulka Galmudug u balan qaaday inay ka caawin doonaan dhinacyada hormarinta iyo dib u dhiska hay’adaha dowladeed, isla markaana ay gacan ka siin doonaan  arrimaha bulshada iyadoo Q/Midoobay mashaariic ka fulin doonto degaanadaasi.

C/kariin Guuleed ayaa Muqdisho u joogay la kulanka Hay’ado kala duwan oo arrimaha maamulkiisa uu kala hadlayay iyadoo uu ka baaqday socdaal la filayay inuu dib ugu laabto magaalada Cadaado.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON