Qofkii saddexaad ayaa magaalada iyo Soomaaliya guud ahaan laga helay cudurka Covid-19 ee uu keeno virus-ka Corona.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa warbaahinta dowladda ka sheegtay in qofkii Saddexaad ee Cudurka Coronavirus laga helay magaalada Muqdisho uu yahay Ajnabi, kaasoo ku sugan xerada Xalane.
Waxay intaas ku dartay in qofkaasi Ajnabiga ah uu muujiyey calaamada Cudurka, isla markaana haatan lagu karantiilay Gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale Xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in mid ka mida shaqaalaha shirkad qandaraas kula jirta laga helay cudurka COVID-19. Waxaana qoraal kasoo baxay Xafiiska UNSOM lagu sheegay inay qaadayaan dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay si loo xakameeyo kiiska.
Waxay kaloo UNSOM sheegtay in sii wadi doonto taageerada wasaaradda Caafimaadka si looga xoojiyo hay’adaha caafimaadka, loogana hortago faafista cudurka.
Degaanka Xalane ee dhinaca ku haya Garoonka diyaaradaha ayeysan maamulin dowladda Soomaaliya, waxaana degan safaaradaha shisheeye iyadoo xarun u ah AMISOM iyo UNSOM.