Tuesday, October 4, 2022

Qoraagii ku caan baxay Aflagaada Diinta Islaamka oo 15 Jeer lagu Mindiyeeyay magaalada New York

Qoraagii ku caan baxay Buugga uu ku aflagaadeeyay Diinta Islaamka ee Salman Rushdie ayaa maanta weerar lagu qaaday, iyadoo 15 jeer Mindi lagu dhugfay xilli uu ku sgnaa masrax ku yaalla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Ninkan oo heysta dhalashada Ingiriiska ayaa qoray Buugga la baxay “Aayadaha Shaydaanka”, isagoo si weyn ugu gefay diinta islaamka iyo Nebi Muxamed SCW, waxaana hoggaamiyihii Iran uu sanadkii 1980, ku xukumay in la dilo, isagoo 3 milyan oo Dollar u balanqaaday qofkii soo dila.

Weerarka ayaa dhacay Jicmihii, waxaana ku orday qof ka mida dadkii goobta ku sugnaa oo Mindi dhowr jeer ku dhuftay, xilli wareysi lala yeelanayey oo uu doonayay inuu muxaadaro ka jeediyo galbeedka New York.

Ad

Salman Rushdie, oo hadda ah 75 sano jir ayaa lagu qaadya diyaarad Helikobtar ah, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin xaaladiisa, kadib markii dhaawac culus uu soo gaaray. Waxaa la sheegay in qaliin degdega lagu sameeyay.

Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladdiisa ayaa sheegaya in il laga tuuray, qoorta dhaawac ka gaaray, beerkana waxyeelo kasoo gaartay, isagoo noqday qof aan hadli karin oo koomo ku jira. Booliska ayaa sheegay in Ninka weerarka geystay lagu magacaabo Hadi Matar oo 24 sano jir ah.

Weerarka lagu qaaday Salman Rushdie kadib ayaa la sheegay inuu dhulka ku dhacay oo dhiig badan ka socday, Booliska ayaa xiray ninkii weerarka geystay, waxaana la filayaa in faahfaahin laga bixiyo qofkaasi iyo sababtii keentay inuu weerarka qaado.

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,003FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,003FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON