Monday, June 23, 2025

Qorshaha ku Qarsoon Shirka Gaarka ah ee Madaxda Maamul Goboleedyada uga furmaya Baydhaba [Akhriso]

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa ku sii jeeda maanta magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya.

Maamul Goboleedyada ayaa Baydhaba ku yeelanaya shir hordhac u ah shirka Amniga Qaran ee Baydhaba ka furmaya, shirkan oo dib u dhac ku yimid ayaa lagu balamay in looga hadlo go’aan looga gaaro qeybsiga Kheyraadka Badda, siiba Shatiyada Kalluumeysiga iyo Qorshaha Amniga iyo dib u dhiska ciidamada dalka.

Shirka oo ay diyaariyeen saddex ka mida madaxda maamul Goboleedyada oo kala ah: Shariif Xasan, C/weli Gaas, iyo Axmed Madoobe ayaa la qorsheeyay in shirka Amniga ka hor ay magaalada Baydhabo si gaara ugu shiraan madaxda maamul goboleedyadaasi oo doonaya inay go’aan mideysan ka qaataan dowladda federaalka oo madmadow soo kala dhex  galay, kaasoo salka ku haya khilaafka dalalka Khaliijka.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in amniga magaalada Baydhabo si weyn loo adkeeyey, iyadoo wadooyinka la dhigay ciidamo fara badan. Shirkan oo lagu balamay  inuu furmo 28-kii Febraayo 2018, ayaa u qabsoomi waayey caqabado ka hor yimid.

Shirka ayaa ku soo beegmaya xilli uu madaxweynaha Soomaaliya ku sii jeedo dalka Qatar, lamana oga cidda dowladda Soomaaliya uga qeyb geli doona oo wararku sheegayaan in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre loo xil saaray.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON