Madasha Qaran ayaa isla gartay in si weyn loo xakameeyo musharixiinta fara badan ee isu taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Shuruudaha laga rabo musharaxa Madaxweynaha ayaa lagu korshiyay qaar aad ugu adag musharixiin badan, waxaana soo diyaariyay xoghayaha guud ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo ay si weyn uga qeyliyeen mushirixiin fara badan.
Shuruudahan oo lagu tilmaamay qorshe lagu doonayo in tartanka looga reebo mushrixiin fara badan waxaa ka mida:
- In musharax kasta uu helo saxiixa 20 xildhibaan oo ka mida Baarlamaanka
- Inuu bixiyo lacag dhan 30,000 $ diiwaan gelin ahaan
Labadan qodob ayaa isku darkooda la sheegay ay musharaxa ku qaadan doonaan lacag dhan Rubuc Milyan Doolar, waxayna arrintu sii adkaan doontaa marka xildhibaanada Baarlamaanka shardi looga dhigay inay hal musharax oo kaliya u saxiixi karaan musharaxninada.
Musharixiin fara badan oo aa wax cod ah ku lahayn xildhibaanada, isla markaana heli karin kharashaadka fara badan oo ujeedkoodu ahaa inay CV-ga u gasho musharaxnimada iyo qaar badan oo ay ka ahayn in la arko ayaa hadda wadnaha farta ku haya inaysan xitaa qaadan karin musharaxnimada xilka madaxweynaha.
Goobjooge.com