Monday, July 14, 2025

Qorshe halis ah oo maamul loogu sameynayo Hiiraan & Shabeelaha Dhexe oo laga digay

Waxaa soo baxaya warar ku saabsan inuu jiro qorshe ay wado dowladda Soomaaliya oo ku saabsan in shirkii maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe laga furo magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib shirkii Madasha Qaran ee dhowaan ku soo idlaadya Muqdisho, waxaana shirkaasi ka soo baxay in xukuumadda Soomaaliya ay degdeg u soo dhiso maamul ay yeeshaan labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Nabaddoon Maxamed Yacquub Isaaq oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aysan raalli ka ahayn in Shirka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe loo wareejiyo magaalada Muqdisho, wuxuuna soo jeediyay in lala tashado dadka degaanka.

Qorshahan ayaa sheegaya in shirka la isugu keenayo ergo ka kooban 300 oo ka socota labada gobol, isla markaana  ay degdeg ku dooranayaan madaxweyne si gacantaag ah, qorshahan oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo madaxweyne Xasan Sheekh isla wadaan ayaa qabanqaabadiisa socotaa.

Guddoomiyeyaasha gobollada Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe ayaa qaabilsan fulinta qorshahan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON