In ka badan 10 ruux ayaa lagu dilay rabshado dhex maray ciidamada Itoobiya iyo dadka Amxaarada ee dalkaasi kadib markii kacdoon ay sameyeen.
Arrintan ayaa ka dhacay magaalada Gondar ee waqooyiga Itoobiya, waxayna rabshada ka dhasheen kadib markii ciidamada amaanka Itoobiya isku dayeen inay xiraan hogaamiyayeyaal ka tirsan Qowmiyada Amxaarada.
Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in 3 sarkaal oo Boolis ah iyo qof rayid ah lagu dilay iska hor imaadyada oo Gobolka Amxaaradda ka socday maalmihii ugu danbeeyay, kuwaasoo yimid markii ay isku dayday in la xiro dad la sheegay inay argagixiso ahaayeen.
Bandow ayaa lagu soo rogay Gondar, waxaana la xirxiray dad fara badan, iyadoo kacdoonka Qowmiyada Amxaarada oo ah labaad ee ugu weyn Itoobiya ay dowladda Tigreega hogaaminayo ka tirsanayaan eedo ku saabsan inay cadadaadis ku hayaan qowmiyadooda, kuna soo rogtay cunaqabateyn dhinac walba leh.
Mareykanka ayaa soo saaray xayiraad in muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Itoobiya ay u socdaalaan Magaalada Gondar ee Amxaarada oo xaalad kacsani ka jirto.
Dadka Amxaarada oo mucaaradk ku ah dowladda dalkaasi ayaa noqonaya qowmiyada labaad ee dalka Itoobiya oo kacdoon sameysa, iyadoo Qowmiyada kale ee Oromada oo Itoobiya ugu weyn ay dhowaan kacdoon sameysay kaasoo lagu dilay dad fara badan.
Amxaarada ayaa taariikh fog ku leh dalka Itoobiya oo ay muddo dheer ka talineysay Boqortooyadii ay hogaamin jireen, waxaana jira dareen ah inay mar kale doonayaan inay la soo noqdaan Boqortooyadaasi.
Goobjooge.com