Tuesday, June 24, 2025

Raashin & Daawo dhacay oo laga helay Bakhaarada Dekadda Muqdisho [Sawirro]

Waaxda Faya-dhowrka ee gobolka Benaadir u qaabilsan ayaa soo bandhigtay Raashin iyo Dawo dhacay oo ku jiray Bakhaarada Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta gobolka Benaadir Basmo Caamir oo kormeer ku tagtay goobaha laga helay agabka dhacay ayaa sheegtay in dawladda hoose oo kaashanaysa hay’adaha ku shaqada leh iyo laamaha amniga ay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo magaalada soo gelinaysa alaabooyin dhacay.

“Waxaan kormeer ku tagnay Dekedda magaalada Muqdisho, si aan u baarno cabashooyin maalmahan halkaas naga soo gaarayay, baaritaan kadib, waxaan halkaas ka helnay hal kontaynar oo daawo dhacday ah kuna taariikhaysan, 2014-2016-2017. Sidoo kale, waxaan bakhaarka no.3 ku soo aragnay jawaano bur dhacay ku jiro kaas oo biyo ay soo gaareen, cid walba oo arrimahaas ku lug leh oo doonaysa in magaalada la galiyo badeeco dhacdayna tallaabo ayaan ka qaadaynaa”. Ayay tiri Marwo Basmo Caamir.

Guddoomiye Basmo Caamir ayaa ganacsatada Soomaaliyeed fartay inaysan dib dambe u keenin dalka wax ayan naftooda u quurin, iyadoo xustay in laga baxay waqtigii fawdada uu dalku ku jiray, lana joogo xiligii isla xisaabtanka iyo dabagalka wax yaabaha dalka soo galaya .

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON