Wednesday, June 25, 2025

Rabshado ka qarxay Magaalada Diridhabe iyo dagaal ku dhex maraya Soomaalida & Qowmiyadaha kale

Wararka laga helayomagaalada Diri-dhabe ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in rabshado waaweyn iyo qas ay halkaas qarxeen.

Xaafadda Ashawa ayaa la sheegay in ay rabshaduhu ka billowdeen, waxaana irdaha loo laabay meheradaha suuq halkaa ku yaalla oo la yiraahdo suuqa Ashawa. Rabshadahaas oo u dhaxeeya dhallinyaro Soomaali ah iyo qaar ka soo jeeda qowmiyadaha kale ee Itoobiya ayaa la sheegay inay ku fideen meelo kale oo ay ka mid tahay xaafad la yiraahdo Xaafad Ciise.

Xaalad fowdo iyo jahawareer ah ayaa laga soo sheegayaa inay magaalada Diri-dhabe ku jirto, ayadoo hadba dhinac la isu eryanayo. Dhallinyarada rabshadaha wada ayaa ku hubaysan budhadh, baangado, faasas, middiyo iyo qalab kale.

Dad goob joogeyaal ayaa sheegaya in boolis ka tirsan federaalka Itoobiya ay magaalada soo galeen si ay u kala dhex galaan oo ay u kala eryaan dadka rabshadaha wada. Gaadiidka caadiga ah ee magaalada iyo kan dadweynaha ayaa gebi ahaanba istaagay.

Inkastoo uu khasaare jiro, misna lama hayo tiro sheegaysa dhimasho iyo dhaawaca, iyadoo ay xaaladu tahay mid kacsan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON