Thursday, June 26, 2025

Cumar C/rashiid oo Guddoomiyaha Baarlamaanka ku qanciyay ka qeybgalka shirka Kismaayo

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke) ayaa ku guuleystay inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ku qanciyo ka qeyb galka shirka Madasha Qaran ee magaalada Kismaayo.

Wadahadal dhex maray Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka ayuu mas’uulka dambe ku ogolaaday inuu ka qeyb galo shirka kadib markii uu qaadacay shirkaasi, waxaana la filayaa inuu Mudane Jawaari berito tago magaalada Kismaayo.

Diidmada guddoomiyaha Baarlamaanka ee shirka Kismaayo ayaa ka danbeysay cambaareyn ay Axmed Madoobe iyo C/kariin Guuleed u jeediyeen socdaalkiisii magaalada Dhuusamareeb iyo qorshihiisa ah in muddo kordhin loo sameeyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON