Sunday, July 13, 2025

Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska oo laga helay Cudurka Coronavirus iyo farriin uu diray.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa laga helay cudurka Coronavirus, kaddib markii baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday inuu qaaday cudurka.

Waxaa markii hore lagu arkay calaamadaha Coronavirus, iyadoo markii la baaray laga helay sida uu isagu shaaciyey, laguna sheegay War kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo lagu yiri: “Waxaa laga baaray coronavirus kaddib markii uu si gaar ah ula taliyay madaxa waaxda caafimaadka”.

Boris Johson ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri: “24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaan isku arkay calaamado aan xoog badneyn waxaana iska baaray coronavirus. Hadda waan is karantiilay, laakiin waan sii wadi doonaan inaan dowladda ku hoggaamiyo dagaalka ay kula jirto fayraskan, anigoo shirarka uga qeyb qaadan doona muuqaal ahaan.”

https://twitter.com/BorisJohnson/status/1243496858095411200

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON