Monday, June 23, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo Ciidamo u diray degaanada ay ku dagaalamayaan Soomaalida & Oromada

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa amray in ciidamada Federaalka Itoobiya ee Militariga iyo Booliska la geeyo degaanada ay dagaaladu ka socdaan ee gobolada Oromada, Soomaalida, iyo Umadaha Koonfureed oo ay isku heystaan labada qowmiyadood.

Wararka ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay gaareen degaanada ugu darran ee Oromada iyo Soomaalida ku dagaalamayaan oo ay ku jiro degmada Mooyaale iyo degaanada ku dhow, iyagoo kala dhex galay labada nin oo in muddo ah dagaal qaraar u dhaxeeyo.

Amarkan Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa ka danbeeyay markii Oromada ay dileen laba laba mas’uul oo ka tirsanaa Soomaalida Itoobiya. Waxayna kala ahaayeen guddoomiye degmo iyo mas’uul kale oo ahaa hoggaanka nabadgelyada.

Ad

Maxamed Ismaaciil oo ah Madaxa Ururka Isbahaysiga Caddaaladda ee Gobolka Soomaalida ee Ethiopia ee SRAJ ayaa sheegay in amarka uu maanta dhaqan galay.

Labada madaxweyne ee maamullada Soomaalida iyo Oromada ayaa sidoo kale la amray inay xaaladda qaboojiyaan oo ciidamadooda xakameeyaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON