Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta ka degay magaalada Casabee dekadda leh, dalka Eriteria, isagoo booqasho shaqo oo laba maalmooda ah ku joogi doona dalkaasi.
Waxaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Garoonka magaalada Casab ku soo dhoweeyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, waxaana la sheegay in booqashadan ujeedkoodu yahay in lagu dhaqan geliyo heshiisyadii ay hore u gaareen labada dal.
Waa booqashadii labaad ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku tago Eritrea, iyadoo ay ku soo beegantay xilli uu Markab ganacsi oo Itoobiyaan ah maanta ku xirtay Dekadda Masawa ee dalka Eritrea.
Markabka Itoobiyaanka oo lagu magacaabo “Mekelle” ayaa ka yimid dalka Sacuudiga, wuxuuna dalka Shiinaha qaadi doonaa 11,000 tan oo Zinc ah.