Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa socdaalkiisii labaad ku tegay dalka Jabuuti ee ay deriska yihiin oo dhaqaale ahaan ku tiirsan tahay Itoobiya.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo dhoweyn diiran kala hortegay, wuxuuna Ra’iial wasaaraha Itoobiya booqday dekadda weyn ee Jabuuti iyo qeyba ganacsiga Xorta ah ee dekadda oo maanta si rasmi ah loo furay, waxayna labada dal ee Itoobiya iyo Jabuuti ku heshiiyeen dhowaan inay Itoobiya maalgashato dekadda Jabuuti.
Abiy Ahmed ayaa ka qeyb galaya shirka Jabuuti ee Shiinaha iyo dalalka afrika, waxaana sidoo kale Jabuuti gaaray madaxweynaha Suudaan Cumar Abashiir iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.