Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baaarlamaanka Federaalka maanta oo Sabti ah yeelanaya kulan uu hor imaan doono Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Xamse Cabdi Barre.
Kulankan ayaa codka kalsoonida loogu qaadi doonnaa Ra’iisal wasaaraha inta uusan soo dhisin xukuumadda, waxaana dib u dhac ku yimid kulankan oo lagu waday inuu dhacdo Arbacadii hore.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo diray farriin qoraaleed lagu wargelinayo kulanka Sabtida Berri oo Ajandaha looga hadlayo uu yahay codka kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban.
“Sabti ah 25 June waxaa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha magacaaban. Goobta: Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa. Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo”
Xildhibaannada kasoo jeeda Puntland ayaa la sheegay inay ka horjeedaan ansixinta Ra’iisal wasaaraha cusub, balse aysan taageeri doonaan, iyadoo la wada sugayo xilliga uu soo dhiso xukuumadda cusub.
Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Federaalka ayaa u baahan laba kalsooni siin oo midka hore keligiis loo qaadayo, halka kalsoonida labaad loo qado xukuumadda iyo Qorshaheeda.