Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa maanta u anbabaxay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan si uu xal ugu raadiyo muranka ka taagan maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Wafdiga Ra’iisal wasaaraha waxaa ka mid wasiiro iyo xildhibaano, waxaana socdaalkiisa uu ka dambeeyay markii odayaasha dhaqanka Hiiraan ay qaadaceen shirka Jowhar, isla markaana ay gacanta ka taageen wasiiradii ku howlanaa arrinta gobolka Hiiraan.
Waxaa hore dhowr jeer u tegay Beledweyne madaxweyne Xasan Sheekh oo isna ku qancin waayay odayaasha Hiiraan inay tagaan shirka Jowhar.
Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa amaankeeda si weyn loo adkeeyay, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegaya in wafdiga Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid inay qabanqaabo weyn ka socoto garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.
Cumar C/rashiid ayaan rajo badan laga qabin inuu xal ka gaari karo badbaadinta shirka Jowhar oo fashilkiisa ay gacan weyn ku leeyihiin wasaarada arrimaha gudaha iyo Madaxtooyada.
Goobjooge.com