Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal wasaaraha oo booqday askartii Puntland ee ku dhaawacmay dagaalkii Alshabaab [SAWIRRO]

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo weheliyo Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland, Mudane Cabdweli Maxamed Cali Gaas, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah iyo Puntland, ayaa maanta booqday qaar kamid ah dhaawacyadii ay wax yeelladu ka soo gaartay dagaalkii dhawaan ay la galeen Ciidamadda Puntland kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xariga ka jaray Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT) oo ah mashruuc lagu marumarinayo Isgaarsiinta Gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa mid mid u booqday dhaawacyada oo ku jirey Isbitaalka weyn ee magaalada Garowe, wuxuna ALLE uga baryey in uu Caafimaad siiyo, isagoo tilmaamay kuwa qaba dhaawacyada daran ay dawladdu gacan ka geysan doonto sidii ay u heli lahaayeen caafimaad dibedda ah.

“Waxaad hurteen naftiina qaaliga ah, waan idiin kaga mahad-celinayaa naf-hurnimadiina iyo dhiiranaanta. Shakina iigama jiro in ciidanka geesiyaasha ah ay sharafteenna iyo karaamadeena soo celinayaan Al-shabaabna laga guuleysan doono, EEBBE waxaan idin kaga baryayaa inuu dhaawaca idiin sahlo oo aad dhaqso u bogsataan.” ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaare Cumar askartii dhaawaca ahaa ee uu booqday.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, Mudane Guuleed Xuseen Qaasim iyo Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland, Mudane Maxamuud Xasan Soocadde, ayaa wadajir u dhagax dhigay Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT), waxana dhagax-dhigga kadib Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in mashruucani uu wax badan ka badeli doono adeegga Isgaarsiinta dalka iyo isdhaafsiga Macluumaadka.

DAAWO SAWIRRO

IMG_3671IMG_3674IMG_3679IMG_3686IMG_3688

IMG_3702

IMG_3709IMG_3714IMG_3715IMG_3720IMG_3728IMG_3730

IMG_3663

IMG_3654

 Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON