Tuesday, July 8, 2025

Ra’iisal Wasaaraha oo dib u furay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya [Sawirro]

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa Maanta xarigga ka jaray dhismaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo dayactir lagu sameeyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen Wasaaradda Waxbarashada iyo shaqaalaheeda, iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay muujineyso in Soomaalidu ay wax qabsan karaan, door lixaad lehna ka qaadan karaan dib u dhiska dalka.

‘’Waa inaan u wada guntanaa dhammaanteen dhismaha dalkeena sida maanta idiin muuqata, waxaan xariga ka jarnay Wasaaraddii Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare oo ay dad Soomaaliyeed isku xilqaameen in dib loo dayactiro lana soo celiyo bilicdii ay lahayd”. ayuu yiri R/Wasaare Khayrre.

Mudane Xasan Cali Khayrre ayaa tilmaamay in bulshadda Soomaaliyeed ay muhiimad u leedahay Wasaaradda Waxbarashadu, isla markaana la doonayo in wax la baro caruurta Soomaaliyeed, si aqoontooda iyo garaadkooda loo kobciyo.

Ugu danbeyn, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay in furitaanka Wasaaraddu ay tahay tallaabo wayn oo muujinaysa dib u soo kabashada amniga dalka taas oo abuuraysa in la horumariyo waxbarashadda, waxuuna balanqaaday in ay si caddaalad ku jirto u maamulayaan howlaha shaqo iyo deeqaha waxbarasho ee wadanku helo, loona qaybin doono dhamaan maamul goboleedyadda, si loo soo celiyo kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed, loona daraynsiiyo muhiimadda dawladnimo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON