Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in la magacaabay Guddiga Xalinta Qilaafaadka xilliga Doorashooyinka 2016.
Guddigan oo la sugayay in la magacaabo bishii hore ayaa dhowaan la magacaabay iyadoo ay si hoose u soo xuleen madaxda madasha Qaran, waxaana xubno ka ah odayaal, siyaasiyiin caan ah.
Cumar C/rashiid ayaa sheegay in shaqada guddiga ay tahay sidii ay uga hortegi lahaayeen khilaaf dhaca xilliga lagu guda jiro Doorashooyinka iyo go’aan ka gaarista ama laalista natiijooyinka doorashooyinka.
DHAGEYSO
Goobjooge.com