Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo shalay dib ugu soo laabtay ayaa bilaabay olole uu doonayo in Baarlamaanka Federaalka looga baajiyo go’aan ay doonayaan in sharci ahaan u soo baxo oo ku saabsan in ciidamada Kenya ee ka mida AMISOM laga saaro Soomaaliya iyo go’aan kale oo ku saabsan inaysan dowladda Soomaaliya wadahadal ka geli karin arrimaha xuduudaha.
Ra’iisal wasaaraha oo intii uu dibadda ku maqnaa amar ku siiyay wasiirada arrimaha gudaha iyo Gaashaadhigga inay Baarlamaanka kala hadlaan wixii dhex maray wafdigii tegay Kenya ayaa socon weyday kadib markii Baarlamaanka u yeeri waayay wasiiradaasi oo howshiisii iska watay, balse markii uu dib ugu soo laabtay Muqdisho ayuu culeys ku saaray guddoonka Baarlamaanka inaan laga shaqeyn xumeynta xiriirka labada dal.
Arrinta ku saabsan in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya ayaa ah tan ugu xasaasan ee xukuumadda Soomaaliya ay dooneyso in la joojiyo, iyadoo ra’iisal wasaaraha iyo guddoonka Baarlamaanka kulamo u socda ay ku saabsan yihiin sidii arrinta loogu soo koobi lahaa derbiga.
Goobjooge.com