Monday, June 23, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo War-cad ka soo saaray Soomaalida lagu laayay Xeebaha Yeman [War-saxaafadeed]

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray Qaxootiga Soomaalida ee lagu laayay xeebaha dalka Yeman.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Muqdisho, Maarso 18.2017-  Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka murugooday dhimashada ku timid shacabka Soomaaliyeed ee xeebaha dalka Yemen, Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen dadkaasi sida xaq darada ah loogu laayay iyaga oo ku safraya xeebaha dalka Yemen, waxaana uu cambaareeyey falkaasi ka baxsan bani’aadanimada iyo xaquuqul insaanka.

Ad

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dalbaday in la baaro falkaasi iyo cida ku lugta leh, maadaama ay dadkaasi ahaayeen dad aan hubeysneyn oo aan waxba galabsan, una badnaa haween iyo caruur.

Ugu dambeyn, Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray howlwadeenada wasaaradda arrimaha dibedda inay ka caawiso qoysaskii ay ka baxeen dadkaasi lana wadaagaan wixii macluumaad ah ee laga hayo dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ah.

—-DHAMMAAD—-

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON