Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal wasaaraha Sudan oo ka hadlay Qaraxii uu ka badbaaaay ee lagu khaarijin lahaa. (Sawirro)

Ra’iisal wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduk ayaa farriin u diray shacabka dalkiisa, isagoo ka hadlay qaraxii lagu khaarijin lahaa saaka ee uu ka badbaaday.

Wuxuu sheegay inay xaaladiis wanaagsan tahay, isla markaana falka qaraxa ah ee lala beegsaday aanu ka hor istaagi karin howha Qaran iyo isbedelka uu ka wado dalka Suudaan, wuxuuna intaas ku daray in kacdoonka dadka Suudaan loo daadiyey dhiigga badan oo qaali ah si loo gaaro mustaqbal wanaagsan.

“Waxaan shacabka Suudaan u xaqiijinayaa inaan fiicanahay, xaaladeyda caafimaadna ay aad u wanaagsan tahay. Wixii igu dhacay igama joojineyso geedi socodka isbedelka Sudan, Waxayna noqon doontaa mowjad kale oo ku biireysa kacdoonka weyn ee Suudaan. Kacdoonkan waxaa ilaalinaya dhiigga qaaliga ah ee shacabka oo loo daadiyey mustaqbal wanaagsan..” ayuu farriintiisa ku yiri Ra’iisal wasaaraha Suudaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON