Tuesday, August 5, 2025

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo Beledweyne u tegay qancinta Odayaasha Hiiraan [SAWIRRO]

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira Xubnaha labada Golle ee Dawladda ayaa maanta tegay  magaalada Beledweyne ee  gobolka Hiiraan.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan, Odayaasha dhaqanka, Saraakiisha Ciidamadda Dawladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Cumar C/rashiid ayaa Beledweyne  tegay wadahadal uu la yeesho qaar ka mida beelaha  gobolka Hiiraan si xal loogu helo dhibaatada ka taagan  dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee gobolka Hiiraan, isagoo rajo ka qaba inuu ku qanciyo in dib loo furo shirkii hakaday ee Jowhar, arrintaas oo aad ugu adkaatay dowladda federaalka.

DAAWO SAWIRRO

12345

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON