Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke) ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu magaalada Kismaayo u tegay qeyb galka munaasabada caleema saarka madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe, kadibna uu magaaladaasi ugu haray tashiyo dheeraad ah oo uu la yeelanayo madaxda Puntland iyo Juba.
Wafddiga Ra’iisal wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusii sagootiyay Madaxweynaha Dowladda Jubba Axmed Madobe iyo mas’uuliyiinta maamulkiisa.
Kulamadii Cumar C/rashiid la yeeshay C/weli Gaas ayaa la sheegay inaan lagu guuleysay iyadoo uu shaki weyn soo galay inuu ka qeyb geli doono shirka 20-ka Bishan ay shaaciyeen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha inuu ka dhici doono magaalada Muqdisho.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]