Kulan albaabada u xirnaa oo ay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Galabta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu go’aamiyay in Baarlamaanku u yeero Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke).
Go’aankan ayaa ka dambeeyay kulan saacado qaatay oo xildhibaanadu yeesheen kadib markii ay shirkii maanta kasoo xaadiri waayeen Taliyeyaasha Booliska Maxamed Sheekh Xasan iyo Nabadsugidda C/raxmaan Tuuryare oo laga sugayay, halka uu Baarlamaanka hor tegay Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed.
Shirkii gaarka ahaa ee Baarlamaanka ayaa laga soo saaray qoraal loo diray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo looga dalbaday inuu Baarlamaanka ku hor yimaado muddo 24 saacadood ah oo ku beegan Beri oo Arbaca ah 2-da Maarso 2016.
Cumar C/rashiid ayaa isla galabta loo geeyay qoraalka loogu yeerayo, waxaana caawa uu shir degdeg ah la leeyahay Golaha Wasiirada oo ka doodaya waxyaabihii uu la hortegi lahaa Baarlamaanka oo dhowaanahan kacsanaa ayaa la filayaa inay su’aalo adag oo tiro badan kala hortagaan Ra’iisal wasaaraha oo ku saabsan xaaladda ammaanka dalka iyo arrimo kale oo siyaasadeed.
Goobjooge.com