Friday, June 27, 2025

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo Muqdisho ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa goor dhoweyd dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho,  kadib markii uu xaalad caafimaad ou tegay dalka India.

C/kariin Guuleed waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay madax uu hor kacayo Ra’isal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Carrabey, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Guuleed ayaa isla markii uu soo degay waxaa loo galbiyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inuu ka qeyb galo xafladda gabagabada shirka Madasha ee maalintii 5-aad galay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa qalliin looga sameeyay Wadnaha, dalka India, kaasoo lagu guuleystay, xaaladiisa caafimaadna ay soo hagaagtay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON