Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo socdaal degdeg ku tegay Adis Ababa (Akhriso ujeedada socdaalka)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa socdaal aan hore loo sii qorsheyn oo degdeg ku tegay  dalka Itoobiya isagoo goor dhoweyd ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Addis ababa.

safar-cc

Socdaalka Cumar C/rashiid ayaa la xiriira xaaladda maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo dowladda Itoobiya ay fara gelin weyn ku heyso, waxayna wararku sheegayaan inuu kulan la yeelan doono Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn. Waa socdaalkii ugu horeeyay ee Ra’iisal wasaare CC ku tago Itoobiya iyadoo siyaasiyiinta Soomaaliya ay qasab ku tahay inay Addis mar waliba siyaartaan arrimo kala duwan  awgood.

[ad name=”HTML-3″]

Xaaladda cakiran ee maamul u sameynta Gobollada dhexe keentay inay Itoobiya degdeg ugu yeerto Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyadoo fariinta Itoobiya uu soo gaarsiiyay safiirka Soomaaliya u jooga Itoobiya Axmed Abdisalan oo ra’iisal wasaaraha ku wehliyay safarkiisii Dhuusamareeb haddana la socda wafdigiisa. Dowladda Itoobiya oo diidan qorshaha madaxweynaha Soomaaliya ee maamul u sameynta Gobollada dhexe iyo Shirka la qorsheeyay inuu Cadaado ka dhaco ayaa dhinaca kale taageereysa kooxda Ahlun sunna ee dagaalka kula jirta ciidamada dowladda, iyadoo ciidamada dowladda laga saaray goobihii ay ka joogeen duleedka degamada Guriceel oo lagu bedelay ciidamo Itoobiyaan ah.

Ra’iisal wasaaraha CC ayaan la ogeyn inuu qaadan doono qorshaha Itoobiya ee Gobollada Dhexe oo ay taageerayaan Puntland iyo Kooxda Ahlun sunna, ayna qeyb ka yihiin siyaasiyiin uu hormuud u yahay Axmed C/salaan iyo inuu ku socon doono qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo uu dhex geli doono xaalad siyaasadeed cakiran.

Goobjooge.com

Muqdisho

 

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON