Monday, July 14, 2025

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiir oo olole doorasho u tegay Magaalada Kismaayo

Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya Cumar C/rashiir ayaa maanta tegay magaalada Kismaayo, isagoo ku dhex jira ololihiisa musharaxnimo ee xilka madaxweynaha.

Markii ugu horeeyay Cumar C/rashiid iyo wafdigiisa ayaanay dhicin in garoonka uu kusoo dhoweeyo  madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana soo dhoweyntiisa loo diray mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

cumar-madoobeRa’iisal wasaare Cumar C/rashiid kulan kula yeeshay xarunta Madaxtooyada maamulka Jubba madaxweyne Axmad Madoobe.

Faahfaahin lagama bixin wadahadalka dhex maray Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe, waxayn wararku sheegayaan in Cumar C/rashiid uu doonayo taageero uu ka helo maamulka Jubba iyo xildhibaanada lagu dooranayo magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa shirkii ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta ee ay ka qeyb galeen maamul Goboleedyada Soomaalida wuxuu ka sheegay inuu taageersan yahay musharax madaxweyne Cumar C/rashiid.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON