Tuesday, July 1, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Shariif Xasan oo ka qeyb galay shir ka furmay Magaalada Muqdisho [Sawirro]

Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmay  Shir dib uheshiisiineed oo la sheegay in xal loogu helayoo dagaaladii kusoo noqnoqday Gobolka Sh/hoose. 

Shirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada arimaha Gudaha  xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa kasoo wada muuqday oo ka qeyb galay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha Maamulka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaa kaloo lagu casuumay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, Wasiiro iyo Xildhibaano labada Aqal ka tirsan.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Shirkan ka sheegay in shirkan loogu talogalay in xal loogu raadiyo colaadda dadka walalaaha ah ee Shabeelada hoose ku wada nool, isagoo intaas ku daray in dagaal aan wax faa’ido ah lagu gaareynin, laguna kala adkaaneynin.

“Gobolka shabeellada hoose wuxuu kamid yahay gobollada ugu Khayraadka badan dalka oo dhan, waa guul iyo horumar in beelihii deganaa ee walaalaha ahaa ay khilaafkoodii ku dhameeyaan nabad iyo is-afgarad..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo beelaha gobolka isku haya ugu baaqay nabad.

Dadka shirka oo socda Hotelka SYL ka qeyb galay waxa ka mid ahaa Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cade) oo ka mida hogaamiye kooxeedyadii mar ka soo taliyey gobolkaasi.

Shariif Xasan ayaa lagu eedeynayaa inuu qeyb ku leeyahay mooshinka muranka siyaasadeed ka dhaliyey dowladda Federaalka ee laga keenay guddoomiye Jawaari, iyadoo ay taasi saaxiibo ku yihiin isaga iyo Ra’iisal wasaare Kheyre.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON