Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo safar ugu baxay dalal ka mida Yurub.
Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inuu uga qeyb geli doono dalka Norway shirka caalamiga ah ee Oslo Forum oo sanadle ah, iyadoo uu ku wehliyo wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle iyo xubno ka tirsan xukuumadiisa.
Wasiirka maaliyadda ayasheegay inay safar shaqo isu raaceen Ra’iisulw asaare Xasan Ali Kheyre ayna u socdaan sidii ay aduunka ugu qanci laheyn isbedelka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha wadanka mudadda ay jirtey xukuumada Nabad iyo Nolol.