Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa galabta ka duulay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo ku sii jeeda Isutagga Imaaraadka Carabta.
Ra’iisal wasaare Kheyre iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa u amba baxay magaalada Dubai ee Xarunta dalka Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad la sheegay inuu ka heley madaxda Dalkaasi.
Waxaa lagu wadaa in wafdiga Ra’iisal Wasaare Kheyre kulamo la yeeshaan madaxda dalka Imaaraadka oo ay kala hadli doonaan xoojinta xiriira u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xalinta khilaaf dhex yaallay labada dhinac.
Dalka Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ee sida weyn loogu eedeeyo inuu faraglein ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya.