Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa dalab culus hordhigay xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaaliya kadib kormeer uu maanta ku tegay xarunta isku xirka gurmadka Abaaraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Muqdisho.
Ra’iisal wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay qaar ka mid ah Hay’addaha gacanta ku haya xog-uruurinta xaaladihii ugu danbeeyey ee Abaaraha ka jira dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, waxayna isla soo qaadeen sidii Qaramada Midoobey ay gurmadku degdeg ugu gaari lahaa goobaha ay sida daran u saameysay Abaartu.
SAWIRRO