Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay safiirada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya, wuxuuna kala hadlay arrimo dhowr ah.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa beesha caalamka ku dhaliilay inaysan wax la taaban karo u qaban dadka iyo dowladda Soomaaliyed, isla markaana mar kasta la sheego dhaqaale badan oo lagu bixiyay Soomaaliya, kaasoo aan la soo taaban karin.
Arrimaha laga wada hadlay waxaa kamid ahaa xoojinta wadashaqeynta, taageerada Soomaaliya, dhinacyada dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo ammaanka. Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha C/laahi Xaamud ayaa ka hadlay kulanka waxyaabihii ay isku fahmeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo safiiradan.
“Waxay ahayd in la is weydiiyo wixii soo qabsoomay Seddexdii bil ee lasoo dhaafay iyo waxaan uga baahannahay wadmada caalamka, waxyaabaha laga hadlay waxaa kamid ah dhaqaale abuurka loo baahan yahay wadanka, dib u eegis lagu sameynayo Dastuurka, shaqo abuurka oo Ra’iisul wasaaraha aad uga hadlay iyo sidii loo mideyn lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, marka waxaa joogay safiirka Qaramada Midoobay, Qadar, Turkiga, Midowga Yurub iyo kuwo kale oo nagala soo qeybgalay, marka shirka si fiican ayuu ku dhacay si furan waa loo wada hadlay” ayuu yiri Mudane Xaamud.
Dhanka kale, safiirka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan dhinacyo badan oo ay ugu horreyso dhaqaalaha ammaanka iyo doorshada 2020-ka.