Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa wasiiradiisa iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda uga digay inay ku kacaan musuqmaasuq, isagoo ugu hanjabay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Isagoo ka hadlayay Munaasabad lagu xusayay maalinta dhalinyarada adduunka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayuu ka sheegay xubnaha ka tirsan dowladda ee ku fekeraya inay lunsadaan hantida Qarankla, inaysan u suuragali doonin, wuxuuna sheegay qofkii lagu helo musuqmaasuq, hadii uu yahay Wasiir ama hadii qof kale uu yahay in dowladda ay ka qaadeyso talaabo sharciga waafaqsan.
“Ma ah wax aan yeeleyno in dalkaan musuqmaasuq lagu dhaqo, waxaan rabaa inaan halkaan farriin uga dirno qof waliba oo Soomaaliyeed ama Wasiir ahaaw ama ruux kale ahaaw oo xil uga hayo dowladda, oo ku fekerayo inuu ka shaqeeyo lunsashada hantida Qaranka oo ku fekeraayo musuqmaasuq inuu sameeyo, waxaan kuu sheegaa inaadan calfan doonin.” ayuu ku hanjabay Ra’iisal wasaare Khayre.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo kala ah wasiir ku xigeen iyo Agaasime waaxeed loo heysto kiisas musuq ah, ayna dacwad ku socoto.