Tuesday, July 8, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo farageliyay xaalad ka dhalatay shaqadii laga joojiyay agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta

Wararka laga helayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya inuu Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre faragelin ku sameeyay shaqo ka fariisintii lagu sameeyay agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfafinta.

Arrintan ayaa ka danbeeyay kadib markii agaasimaha guud Mudane C/risaaq Bahlawi uu diiday inuu xilka banneeyo, isagoo ku adkeystay inuusan xil ka qaadi karin, shaqana ka fariisin karin wasiirka.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu Agaasimaha ku qanciyay inuu shaqada wareejiyo, isagoo ku adkeeyay inuu u hogaansamo tallaabada wasiirka, waxaana saacado qaadatay qancinta agaasimaha oo ay sidoo kale waanwaantiisa ka qeyb qaateen mas’uuliyiin ka mida golaha wasiirada.

Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa shalay shaqada ka fariisiyay agaasimaha guud ee wasaaradiisa iyo agaasimihii maamulka isagoo ku soo eedeeyay musuqmaasuq.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON