Sunday, July 27, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo la kulan la yeeshay Qaar ka mida Jaaliyada Soomaalida ee Switzerland [Sawirro]

Xasan Cali Kheyre Ra`iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland.

Kulankaasi ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah dadkii ka soo qeybgalay kulankaasi Raiisul-wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre, wuxuuna sheegay in Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay rabaan Dawladnimo.

“Qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland iyo nawaaxigeeda ayaan kulan la yeeshay. Shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxay rabaan dawladnimo. waxaannu isla garannay in Soomaaliya jidkii dawladnimada hayso, iyaguna ay taageeraan dawladdooda..” ayuu yiri Ra’iisal wasaarea Kheyre.

Raiisul-wasaaraha ayaa maalmahaan danbe ku sugnaa Magaalada Davos ee Dalka Switzerland, halkaasi oo uu kaga qeybgalay Shir-madaxeedka Dhaqaalaha Adduunka.

https://pbs.twimg.com/media/DUiHpnjW4AAojam.jpghttps://pbs.twimg.com/media/DUiHpnkXkAA-Rs4.jpg

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON